Ciyaartan ayaa lagu Xusayay Ciida barakaysan ee Ciidul Udxiyah islamarkaana waxaa marti loo ahaa Kooxda Xiin Finniin ee Magaalada Johannesbrug iyadoo 3da Kooxooda ee kalena ay ka yimadeen gobalada kala ah North West iyo Eastern Cape ee dalka koonfur afrika.
Shirkada Xawilaada Kaah Express Xafiiskeeda Koonfur Afrika oo qabatey tartankaan ciyaareed ee lagu wayneynayay Ciidul Adxaa laguna qabtey Garoobka Kooxda Orlando Pirates ee magaalada Johannesbrug.
Ciyaarta ayaaa bilaabatey abaarahii 2dii Duhurnimo Xiliga Koonfur Afrika, waxeeyna dhex mareysay 4 kooxood oo kala ah Xiin Finniin, Laalays, Restunberg Stars, iyo King Stars oo dhamaantood soomaali ah oo ka kala yimid gobolada Gauteng, North West iyo Eastern Cape.
Ciyaaraha kooxaha dhex maray oo ahaa nooca la yidhaahdo (Knock-out) ama is reebitaanka aan soo noqoshada lahayn ayaa waxay ciyaartii hore dhex martay kooxaha Laalays (Johannesburg) iyo King Stars (King Williams Town). Labadan kooxood ayaa waxaa dhex maray ciyaar aad u culus oo runtii dadwaynahii ka soo qayb galay ay u riyaaqeen.
Ciyaartan ayaa ku dhammaatay 2 gool oo ay dhaliyeen kooxda Laalays iyo Kooxda King Stars oo aan waxba dhalinin. Madaxa kooxda King Stars Mudane C/Qafaar Sh Maxamed ayaa u tiirayay guuldarada kooxdiisa iyaga oo aad u daalanaa maadaama oo ay soo safreen masaafo ka badan 1100km isla maalintii ay yimaadeena ay ciyaarta horay ka galeen.
“Runtii waa nala gaaday laakiin aduun dib u badan, waxaan rajaynaynaa inaan reer Johannesburg fagaare kale isku helno. Waxaan Shirkada Kaah Express Xafiiskeeda Koonfur Afrika ka codsanaynaa inay munaasabado kale noo diyaariyaan” ayuu yidhi C/Qafaar Sh Maxamed.
Ciyaarta kale waxay dhex martay kooxda Restenburg Stars iyo kooxda Xiin Finniin. Ciyaartan ayaa ahayd mid in muda ahba laga shin tirinayay sababtoo ah labada kooxoodba waa kooxo si wayn u dhisan oo mudo ciyaarayay. Mana ahayn laba kooxood oo isku cusub ee runtii waa ay isu ciil qabeen maadaama oo ay marar hore fooda is dareen.
Ciyaartan ayaa 90kii daqiiqo la isku mari waayay gabi ahaanba gool-gool ay dhaliyeen mooyaane. Waxay ku dhammaatay barbar-dhac. Maadaama oo ay ahayd in kooxdii badiso waxaa loo sameeyay hannaanka (Penalty) la yidhaahdo ama Gool ku Laad.
Nasiib wanaag garri laba nin kama wada qoslisee waxay laba kubadood oo cayaartoyga Restunburg usoo laadeen qabtay gool-hayaha Xiin Finniin ninka la yidhaahdo C/Raxmaan C/Maalik oo sida bisadu jiirka u qabsato isugu kooleeyay kubadda. Halka laga qabtay kooxda Restenburg way dhaliyeen kooxda Xiin Finniin.
Waxaa haddaba ciyaartii kama danbaysta ahaa is hardiyay kooxaha Xiin Finniin iyo kooxda Laalays. Labadan kooxood ayaa soo wada ciyaarayay 4 tii sano ee la soo dhaafay oo aad isu tab yaqaana.
Kooxdan Laalays oo ah koox ay ku jiraan cayaartoy rug cadaa oo qaarkood Soomaaliya ka soo cayaari jireen ayaa lagu naanaysaa “Ciyaartoyda Cuslaatay” halka kooxda Xiin Finniin uu ninka ugu wayni yahay 25 jir. Dhinaca kale kooxda Xiin Finniin waxay bishii la soo dhaafay ee November qaaday koobka Coca Cola ee magaalada Johannesburg.
Hadaba nimankan yaryari wax fursad ahba ma ayna siinin cayaartoyda cuslaatay oo 4 gool ayay shabaqa ka cuskiyeen. Ciyaartiina waxay ku dhamaatay 4-0.
Waxaa xusid mudan in salaadihii Casarka iyo Makhribkaba ay dhammaan cayaartoydu ku tukadeen garoonka iyada oo uu tujiyay Sh Axmed Wali Sh Muxumed oo ka mid ah ducaada Soomaalida ee Koonfur Afrika iyada oo uu kalmad wacdi ahna soo jeediyay Sh C/Jabaar Sheekh oo dhalinyarada ku buuriyay inay diintooda ku dhagadaan marka ay jimicsanayaan.
“Ninkii salaada casar kaga tagto garoonka ma uusan faa’iidin ee waa uu khasaaray, marka ogaada diintiina jidhkiina dhista oo jimcsada” ayuu yidhi Sh C/Jabaar.
Koobkan oo kharash xoog leh uu kaga baxay Shirkada Kaah Express ayaa waxaa lagu qaybiyay funaanado fara badan oo magaca shirkada wata. Shirkadan Kaah Express ayaa waxay maal galisaa ugu yaraan lix kooxood oo Soomaali ah oo kubbadda ciyaarta oo gobolo kala duwan dagan.
Hase ahaatee Sheikh Aadan Madoobe ayaa u sheegay Mudanayaal ka tirsan Baarlamaanka in maalinta sabtida ee soo socota kama dambeys ay dhici doonto Kulanka Baarlamaanka, inkastoo aanay ilaa iyo hada dhameyn kooramka Baarlamaanka ku fariisan karo, maadaama tiro badan oo Xildhibaano ay ka maqan yihiin Magaalada Baydhabo.
Sheikh Aadan Madoobe ayaa mar kale ku celiyay in xildhibaanada ka maqan Magaalada Baydhabo ay dib ugu soo laabtaan, si loo ambaqaado howlo Baarlamaanka u yaala, taasoo ka mid tahay arrimaha khilaafka ee Madaxweyne Yusuf iyo Ra’iisul wasaarihiisa iyo Heshiiskii awood qeybsiga jabuuti.
Sida lagu soo warramay guryaha ay degan yihiin Madaxweynaha, Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ra’iisul Wasaaraha ayaa aad u mashquul ah, waxaana ka dhaca daqiiqad kasta kulamo Siyaasadeed oo dhex maraya Madaxdaas iyo xubnaha Baarlamaanka, iyadoona sida muuqato uu jiro loolan siyaasadeed oo ku wajahan dhinaca awooda baarlamaanka.
Gudoomiyaha Baarlamaanka Sheikh Aadan Madoobe oo gacan ka taagtay xalinta khilaafka Labada Mas’uul ayaa isna dhinaciisa waxaa uu ka wadaa kulamo xasaasi ah oo ku qotoma sida laga yeelayo khilaafka oo haatan usoo biyo shubtay dhinaca Baarlamaanka.
Hase yeeshee ma cada halka ay guusha raaci doonta, ma waxaa lagu kala bixi doonaa fadhiga Baarlamaanka mise si hoose ayay isu xalin doonaan Madaxda Dowladda KMG ee khilaafka ka dhaxeeya erayadaas iyo kuwa kaleba waxay ka mid yihiin waxyaabaha looga hadlayo kulamada Siyaasadeed ee ka socda Magaalada Baydhabo.
Uga dambeyntii waxaa maalmaha soo socda la kala ogaan doonaa xaaladda ka dhex taagan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Nuur Cadde halka ay ku biyo shuban doonto, waxaana Labada Mas’uul ay wadaan kulamo ay ku soo jiidanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka si midba midka kale uu kalsooni buuxda uga heli hadii ay ku tartamaan awooda Baarlamaanka.
War ka soo baxay xafiiska siyasadda QM ee arrimaha Soomaaliya ayaa lagu sheegay in 10-11 bishan December kulan socon doona ay dawladda Kenya marti galinayso kaas oo looga hadlayo fafalka burcadbadeednimo ee ka jira geeska Afrika.
Ergeyga gaarka ah ee QM arrimaha Axmadu Walad Cabdalla ayaa sheegay in kulankan uu muhiimad wayn leeyahay marka la fiiriyo burcad badeedda sii awoodaysnaya ee ka jira xeebaha Soomaaliya ee qatarta galinaya xorriyadda iyo ammaanka ganacsiga badda.
Axmad Walada Cabdalla waxa uu sheegay in ay iska caddahay in dhibaatooyinka burcad badeedda oo la xalliyo in ay xiriir la leedahay nabad iyo xasilooni ka dhalata Soomaaliya.
Sidoo kale waxa uu sheegay in shirkan heerka caalami ah uu sare u qaadayo dareenka beesha caalamka iyo sidii ay u wada shaqayn lahayeen wadamada iyo hay’adaha caalamaka.
Si kasta ha ahaatee Kulankaan ayaa waxaa si wada jir ah u shir gudoomin doona wasiirka arrimaha dibadda Kenya Musa Wetangula iyo wakiilka gaarka ah ee QM ee arrimaha Soomaaliya Axmadu Walad Cabdalla waxaana ka qayb gali doona 140 wakiillo ka kala socda 40 wadan iyo hay’ado caalami ah.
Ciidamada gumeysiga Ethiopia ayaa waxaa ay dib u soo degeen dhismaha Somali-post ee degmada Yaaqshiid, halkaas oo lagu arkayo Askarta ciidamada gumeysiga Ethiopia oo ku soo laabtay dhufeysyadooda hore.
Ma jiro war ka soo baxay maamulka gobolka Banaadir oo mas’uuliyiinta hogaamineysa ay horey u sheegeen in ay gacan ka geesteen ka guuritaanka ciidamada gumeysiga Ethiopia ay markii hore ka guureen qeybo ka tirsan xarumihii ay deganaayeen ee gudaha degmada Yaaqshiid.
Sidoo kale ma cadda in ciidamada gumeysiga Ethiopia ay mar kale ka guuri doonaan xarunta ay haatan dib ugu soo laabteen ee gudaha xaafadda Towfiiq ee degmada Yaaqshid.
Dadweynaha ku dhaqan hareeraya fariisinka cusub ee ciidamada gumeysiga Ethiopia, ayaa ka walwalsan xaaladooda nabad gelyo, iyagoona muujinaya suurtogelnimada in waqti walba uu dhoco dagaal saameyn ku yeesha dadka rayidka ah.
Sarkaal ka tirsan xoogaga Muqaawamada oo ka hadlayey arintan soo noqoshada ciidamada gumeysiga Ethiopia ee qeybo ka tirsan gobolka Hiiraan, ayaa soo jeediyey in shacabka gobolka Hiiraan ay la dagaalamaan ciidamada gumeysiga Ethiopia.
Ma cada sababtay ku kaliftay in ciidamada Ethiopia ay dib ugu soo laabteen fariisimo ay hore uga guureen ee gudaha gobolka Hiiraan, xilli shacabka ay hada hayaan go’aankii Ethiopia ay ku sheegtay in ay kaga baxeyso gebi ahaanba gudaha Somalia.
Si kasta ha ahaatee arintan ayaa ku soo beegmaysa xili ay ciidamada gumeysiga Ethiopia si xoogan ugu soo qulqulayaan gudaha Soomaaliya isla markaana ay Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Djibouti iyo Dowladda KMG ah ku heshiiyeen in ciidamada gumeysiga Ethiopia ka baxaan gudaha dalka Soomaaliya balse aysan weli wax ka xirgalay jirin.
Sheekh Shariif ayaa ugu horeyn sheegay in ay soo dhaweynayaan Kaalinta Culimada. Hase yeeshee wuxuu si cad u sheegay in Bayaankii ay soo saareen uu san waafaqsanayn Shareecada Islaamka iyo Aragti Siyaasadeed oo wanaagsan.
Sheekh Shariif ayaa ku dhaliilay Gudiga Culimada in Macluumaadka ay wax ku dhiseen uusan ahayn Macluumaad dhab ah oo xaqiiqo ah, wuxuuna farta ku fiiqay in Gudiga laga rabay in ay dadka dhex-dhexaadiyaan, balse ma ahayn inay dhinac la saftaan.
Sidoo kale Sheekh Shariif oo arimahaas ka hadlayana waxa uu yiri “Culimada anaga Dadaalkooda waan soo dhaweynaynaa laakiin waxaan isleenahay Bayaankaas Shareecana ma waafaqsanayn Aragti Siyaasadeed oo wanaagsan oo waxtar ahna ma waafaqsanayn, Macluumaadkay wax ku dhiseena Macluumaad dhab ah oo xaqiiqo ah ma ahayn”.
Hase ahaatee wuxuu intaa uu raaciyey ee uu yiri: “Anaga mar waliba in aan Culimada Dowrkeeda ixtiraamno oo aan dadaalkooda soo dhaweyno waa arin aan horey u qaadanay, hadaba waxaan isleenahay iyaga laftigooda waxa laga rabay waxay ahaayeen Dad inay dhex dhexaadiyaane inay hadda dhinac istaagaan waxaan isleenahay kama qeyb qaadanayso xalka waxa meesha laga soo saarayna haday yihiin ciidamada Ethiopia ha baxaan, umadda soomaaliyeedna ha heshiiso waxa ka duwan ee nalaga sugaayo ama hadda qofki diidan uu keeni karo aanan ogayn, waxaan isleenahay Juhdigooda(dadaalkooda) waxaa fiican inay u wajahaan meel Bulshada Wax taraysa”.
Haddaba Isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya Garabka Djibouti ayaa si aad uga hadlay jawaabna ka bixiyey hadallada ka soo yeeray Culimo isku magacaawday “Culimada Musaalaxada iyo Sixidda”oo Bayaan ka soo saareen Magaalada Muqdisho dorraat, kaas oo ay ku sheegeen in Heshiiska Djibouti ee ay Isbahaysiga Garabka Djibouti iyo Dowladda KMG ah awooda ku qeybsadeen uusan Shareecada ku dhisneen iyo Maamulka Puntland oo ka soo horjeestay Heshiiskaas.
Goobjoogayaal degmada Balad-Xaawo ku sugan ayaa sheegaya in Xoogagaasi ay la wareegeen Magaalada iyo Tuulooyinka ku xeeran, isla markaana ay Fariisin ka sameysteen Saldhiga Magaalada iyo Wadooyinka soo gala Magaalada, waxayna 4 qori ka qaateenCiidankii ay ugu imaadeen Saldhiga Magaalada.
Hase yeeshee lama oga wax iska hor’imaad ah oo ka dhacay Magaaladaasi markii ay Soo galeen Xoogaga Muqaawamada, waxaana isla magaaladaasi shalay ku sugnaa oo dhaq-dhaqaaq Ciidan iyo kulamo kalaba ka waday Barre Hiiraale, kaas oo aan illaa iyo hadda la sheegi karin halka uu qabtay.
Balse dadka ku dhaqan Magaalada ayaa ka cabsi qaba in ay halkaasi isku fara saaraan Xoogaga Muqaawamada iyo Maleeshiyada Barre Hiiraale oo Baryihii u danbeeyay Dhaq-dhaqaaq Ciidan ka waday Gobolka Gedo.
Waxaa sidoo kale Degmada Buur-dhuubo ee Gobolka Gedo ayaa looga Dhawaaqay Maamul islaami ah oo ka kooban 7 xubnood.
Nin magaciisa lagu sheegay Xasan Jibriil oo Warbaahinta u hadlay ayaa sheegay in Maamul u sameynta Degmadaasi ay timaaday ka dib markii ay soo baxeen Khilaafyo cusub oo u dhaxeeya Beelaha wada daga halkaasi.
Sida muuqata Xoogaga Muqaawamada ayaa u soo jeedsatay in ay Maamulo Islaami ah ka sameeyo qeybo ka mid ah Gobolada iyo Magaalooyinka ay Gacanta ku hayaan, waxay arintani wax ka Badaleen Xaaladihii amaan daro ee ka jiray meelaha ay ka taliyaan Islaamiyiinta kala duwan.
Sheikh Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu yiri “waxaa la wad-wadaa Qabyaalad iyo Qurun in hadana Dadkii loo qeyb qaybiyo, waxaana hadda la wadaa in Meelna la yiraahdo Hawiye, Awood Hawiye ayaan dhisnay bay yiraahdeen, nimankii Wadaadadana Meeshii waan ka erinay, Puntland Nidaam Daarood baan ka dhisaynaa, mid kale xaga Mid Isaaq baan ka dhisaynaa, waxa weeye Ethiopia iyo kuwa la socda, Meles Zenaawi baa ku yiri, ninkii uu ku yiri baana noo sheegay oo yiri Guusha aad meesha ka gaarteen maxay tahay markaas buu yiri wuxuu igu yiri guushaan gaarnay waxaa weeyaan Nimankii wadaada ahaana meeshii waan ka saarnay Awood Hawiyana waan dhisnay, marka hadda lafteeda waxa weeyaan, C/llaahi Yuusuf iyo kuwaan waxa uu u kala riix-riixaayo waxa weeyaan C/llaahina Daarood ha noqdo kuwaana Hawiye ha noqdeen waxaa Bakhtigaa ah ee uu wad wadaa waxa weeye Xumaan, iyagana uu ogyahay inuu ku maroojin karo”.
Sidoo kale Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa ugu Baaqay Shacabka Soomaaliyeed in ay ka Foojignaadan Hadimada Gumeysiga, isla markaana ay Dhabar adaygaan Dhibaatada uu ku hayo inta uu gudaha Dalka joogo. Wuxuuna ugu Bishaareeyay in ay soo dhowdahay Wakhtigii ay ka guulaysan lahaayeen Gumeysiga Itoobiya.
Sida uu sheegay Sheikh Xasan Daahir waxaa socda oo soo baxayaa qorshayaal muuqda oo la iskaga horkeenayo garabyada, iyo Beelaha Soomaaliyeed taas oo ay hurinayso Dowladda Ethiopia ee hagar-daamooyinka la daba taagan shacabka Soomaaliyeed ee Muslimka ah.
Magaalada Johannesburg ayaa waxaa aroornimadii hore ee maanta isugu soo baxay Boqolaal qof oo Soomaali ah kuwaas oo u badnaa caruur iyo xaasas, salaada waxaa lagu tukaday Hollka Wayn ee Dhismaha Amal Shoping Center oo ku yaala Badhtanka xaafada ay Soomaalida degto ee Mayfair.
Takbiirta waxaa la bilaabay abaaro 6:00, aroornimo, waxaana salaada la tukaday abaaro 7:15, waxaa ka horeeyey salaada qudbado ku kala baxay luuqadaha afka Soomaaliga, Afka luuqada English-ka, salaada kadibna waxaa la galay qudbad carabi ah, dhaaman qudbadaha waxaa looga hadlay fadliga ciida, waajibaadka dadka muslimiinta ah saaran, iyo in dadka ay wax sadaqaystaan, fidradana iska baxshaan.
Dadka Soomaaliyeed ee maanta isugu yimid dabaal dega ciida Adxaaga ayaa intooda baddan ku joogey gawaari casri ah oo bilicsan, waxaana guud ahaan ka muuqatay dhaqnaan iyo ladnaan, waxaa sidoo kale goobta si weyn oga soo muuqdey haween iyo caruur aad u tiro baddan oo malaha aad is dhahaysay nin kasta oo goobta joogay xaas iyo caruur ayuu watay, arrintani waxa ay astaan u tahay sida qoysaska Soomaaliyeed ugu soo badanayaan dalka gaar ahaan Magaalada Johannesburg.
Cidaan Ciidul Adxaa ayaa Saakay Magaaladatan Johannesbrug lagu damaashaadayey si heer saraa Dad ka Magaalada ayaa Saaka Suuq yada Xoolaha ka gadanaayey Xoolo kala duwan oo ay Qalayaan Maalintaan Sharafta Badan Darteed, Wadooyinka Xaafadaha Xafada ay soomaalidu ka dagto Magaalada Johannesbrug ee Mayfair ayaa lagu ar kaayey dad wata Xoola kala duwan oo ay Maanta Guryahooda ku qashaan.
Dhanka kale waxaa sidoo kale Soomaalida salaada ciida ay ka oogeen magaalooyinka Cape Twon, Port Elisaberth, Rustenburg iyo Pretoria iyo magaalooyin kale oo tiro macquul ah ay ku joogaan.
Si kastaba ha ahaatee Maanta oo ah Maalinta Ciiddul Adxaa, waa Maalin farxad leh oo ay Dadka Muslimiinta ah si weyn u Maamuusaan, iyadoo ay xusid mudan tahay in Ciiddan ka mid tahay labada Ciidood ee ay Dadka Muslimiinta ah leeyihiin sidoo kale waxaa laga dareemayay Muslimiinta Ku nool Wadankani Koonfur afrika ee Saaka ku ciiday Magaalada Johannesbrug Jawi Nab deed Farxadeed iyagoon is Bariidinaayey oo is ku Salaamayey Ciid wanaagsan Ciid Mubaarak.
Mohamed Ismail
Johannesbrug, South Africa
Wararka iska soo daba dhacaya ee la xiriira Farxadda Ciidul Adxaga, ayaa sheegay in maanta laga wada Ciiday Muslamiinta ku nool Wadamada Reer Yurub.
Sidoo kale Muslimiinta ku nool Magaalooyinka waaweyn ee dalkan Switzerland oo idil ayaa si weyn looga dabaaldegay ciidul Adxaga sida: Magaalooyinka Zürich, Berna, San Gallen, Lausanne, Jeneve iyo kuwa kaleba.
Muslamiinta ku nool Magaalada Zürich ayaa Saakay u dareereen degmada Affoltern ee hoos timaada magaalada Zürich, halkaas oo lagu ballansanaa in si wada jir ah loogu Tugto Salaada Ciidul Adxa, sidaas awgeed, Muslamiin Kanton Zürich, iyagoo isku duuban yar iyo weyn, Rag iyo Dumar ayaa si farxad iyo reynreyn ah ugu wada ciideen goobta loogu talagay inay ku kulmaan.
Balse halkaas waxaa ka maqanaa farxaddii Caruurta oo horay loo baray inay si reynreyn ah uga Ciidaan, Caruurta ayaa lama fillaan ku noqotay inay waayaan wixii kal hore ay uga barteen maalmaha Ciida oo ay Diin ahaan iyo dhaqan ahaanba u lahaayeen.
Si kasta ha u dhacdee arrinta, waxaa hubanti ah in waalidiin badan ay caruurtooda weydiyeen Su’aasha ah Aabe aawey meeshii aan ku ciyaari jirnay`? Maxaa dhacay maanta waa Ciideenna !! ayey ka daba Su’aaleen Caruurta, hase yeeshee Su’aasha rasmiga ah waxay tahay Yaa ka mus’uul ah dhacdadan ma guddiga Maamulka sare ee Jaaliyada Muslimka ee Kanton Zürich, mise Waaladiinta ayaa howlaha arrintaas ka seexday.
Inkastoo ay jireen Su’aalo kale oo ay isweydiinayeen qaar ka mid ah dadweynihii u soo Tukasho tagay ee la xiriira Hoolka lagu tukanay iyo sida dhaqsiyaga loo dedejiyey Salaada Ciida Adxaha, haddana waxaa jiray dad kale oo u mahad celinayey Maamulka Sare Muslamiinta Kanton Zürich. Sida ay isugu soo dubarridka Barnaamijka Ciidul Adxa.
Gabagebadii Muslamiinta ka soo qayb gashay Farxadda Ciida ayaa waxay is dhaafsanayeen Tahniyado, iyago midba mid kale u rajeeynayey in sandkan, sanadkiisa ay dhammaan Muslamiinta meel kasta ay joogaan .caafimaad qab ku gaaraan.
JILYAALE_ONLINE  Zürich
W.Q Dhicisow
Magaala madaxda Soomaaliya ee Muqdisho ayaa saaka waxa si wada jir ah looga xusay Munaasabada “Ciida Carafo” xili ay Ciidamada Gumeysiga Itoobiya iyo huwanteeda xoog iyo sharci daro ku haystaan, Barakacayaal Malyan ka badana ay ku dacdaraysan yihiin Daafaha Muqdisho,iyada oo Sidoo kale Isbitaalada Muqdisho ay Dhaawacyo badana ay buux dhaafiyeen.
Hase ahaatee Muslaliinta reer Muqdisho ayaa iyagu aan ku tukanin Barxadaha waaweyn ee ay awal ku tukan jireen Gumeysiga ka hor, halka qaar ka mid ah Masaajida ku yaala Magaalada Muqdisho aan maanta lagu tukan salaadii ciida kadib markii ay Fariisimo ka agsameysteen Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa DFKMG ah.
Masaajid ay ka mid yihiin Sheekh Cali Suufi,ayaa maanta markii ugu horeysay lagu tukaday Salaadii Ciida Carafo.
Saaka markii salaada subax la Tukaydayba Dadku waxay u diyaar garoobeen salaada ciida waxayna soo lebisteen dhar cusub wejiyadooda waxaa ka muuqatay farxad iyo damaashaad waxayna rag iyo haween u soo dhaqaaqeen Masaajida kala duwan ee Muqdisho si ay ugu soo tukadaan salaada ciida.
Subaxnimadii Saaka ayaa lagu tukaday Masaajida Muqdisho, kuwaas oo la arkayay dad buux dhaafiyay Masaajida oo ku tukanaya barxada iyo laamiga Masaajida, ha yeeshee dad badan ayaan iyagu helin wax Masaajid ah ama goob ay ku tukadaan ka dib markii ay fariisimo ka sameysteen Masaajidii ku ag yaalay Ciidamada gumeysiga Ethiopia.
Maanta magaalada Muqdisho wax weeraro ama qaraxyo ah kama dhicin, kuwaasoo inta badan lala beegsan jiray Ciidamada Gumeysiga Ethiopia iyo kuwa Dowladda KMG marka laga reebo shalay galinkii danbe oo weerar socday wax ka badan saacad lagu qaaday Ciidamada Gumeysiga Ethiopia.
Si kastaba ha ahaatee waa ciidii 3-aad ee “Al-Adxa” oo ay Ciidamada Gumeysiga Ethiopia ku sugan yihiin magaalada Muqdisho, xiligaas oo Hogaankii GMIS ay ku tukadeen Magaalada Kismaayo.
Sidoo kale waxaa Maanta laga wada Ciiday dhammaan Gobollada iyo Degmooyinka dalka Soomaliya, waxaana si nabad ku jirto ay dadweynaha Soomaaliyeed oo 100% Muslim ah ay ku wada Tuktey Masajidaha, iyo Fagaarooyinka loogu tala galay inay isugu yimaadaan, waxaa markay Salaada dhammaatay la isweydaarsaday Saalamaha iyo Farxadaha, ugu dambeyntii dadka oo u socda kooxkoox ay dib uga laabteen Guryahooda.
Xoghayaha guud ee Jaamacadda Carabta Caamir Muusa ayaa Maanta caasimadda dalka Masar ee Qaahira oo saldhig u ah Jamacadda Carabta ka sheegay in aysan suurta gal ahayn in ciidamo ka socda dalalka Carabta iyo calamka loo diro Soomaaliya haddii aysan dhicin iswaafaq dhex mara garabyada Siyaasadeed ee Soomaaliya.
Kulan kaas oo uu Sheikh Shariif uga dalbaday in ciidamo Carbeed loo soo diro dalka Soomaaliya, kuwaas oo kaalin muhiim ah ka galaya Ciidamada Caalamiga ah ee badalaya Ciidamada gumaysiga Ethiopia.
Caamir Muusa ayaa adkeeyay Ahmiyadda ay leedahay geedi socodka nabadda iyo in la gaaro dib u heshiisiin qaran oo dhamays tiran iyo walibana in dib loo dhiso dalka Soomaaliya ee ay dagaaladu halakeeyeen.
Caamir Muusa ayaa ka digay in ay sii balaarato colaada ka taagan Soomaaliya wuxuuna yiri “sii socoshada Colaadda iyo deganaansho la’aantu waxay abuurayaan xaalad Quus iyo Niyad jab ah, kumana dhiiri gelinayso Jaamacadda Carabta in ay ku dhaqaaqdo dadaalo dheeraad ah” wuxuuna intaa raaciyay in Soomaaliya ay tahay Dal qani ah oo leh ilo dhaqaale oo kala duwan taas oo u baahan is afgarad dhex mara Soomaalida oo qura.
Xogahayaha Jaamacadda Carabta Camir Muusa ayaa carrabka ku adkeeyay in ay isbarbar taagayaan xasilinta Soomaaliya ayaga oo kaashanaya xoogagga Siyaasadeed ee Soomaaliya isla markaana ka fogaanaya in ay u kala eexdaan dhinacyada is haya.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Dowladda Ethiopia ayaa soo faragelisay Khilaafkii mudada soo jiray ee u dhaxeeyay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo RW. Nuur Cade.
Labadani Sarkaal oo midkood uu yahay Janeraalka Caanka ah ee lagu magacaabo Jeneraal Gabre ayaa waxa ay si toos ah u tageen Xarunta Madaxtooyada halkaasi oo ay kulamo kala gooni gooni ah ay kula qaadanayaan Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Ra’iisal wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cade).
Warar ku dhaw dhow Saraakiisha Ethiopian-ka ayaa sheegaya in Saraakiisha ay dadaal ugu jiraan sidii ay C/llaahi Yuusuf uga dhaadhicin lahaayeen inuu aqbalo Xil ka qaadistii lagu sameeyay Guddoomiyihii Gobolka Banaadir Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyaga oo sidoo kale kala hadlaya Ra’iisal wasaare Nuur Cade muranka soo kala dhexgalay labada dhinac.
Saraaliishani oo barqanimadii Maanta kasoo degay garoonka diyaaradaha ee Aadan Cade Airport ayaa kulamada ay labada mas’uul la qaadanayaan waxa ay ku riixi doonaan sidii meesha looga saari lahaa khilaafka waxaana sidoo kale wararku ay sheegayaan in Saraakiishani oo u janjeera dhinaca Ra’iisal wasaaraha ay Madaxweynaha ka dhaadhicinayaan qaabka ugu wanaagsan waraaqdii uu xilka kaga qaaday Maxamed dheere kuna magacaabay Dhagaxtuur oo aan isna weli aan u suura gelin in uu fadhiisto xafiiska Maamulka Gobolka Banaadir.
Waxaa jira war hoosaad sheegaya in khilaaf uu u dhaxeeya Madaxweyne C/llaahi Yuusuf iyo Taliska Ciidamada Ethiopia ee kusugan gudaha dalka Soomaaliya kaasi oo la xiriira xil kaqaadista Maxamed dheere iyo sidoo kale habka maamulka Ciidamada dowladda KMG.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Xilli mudanayaasha Baarlamaanka KMG ah wali ay horyaalaan Mooshin la xiriira arrimaha Bartoolka ayaa hadana mudooyinkan waxaa jirin kulamo uu yeelanayaan xubnaha Baarlamaanka, marka laga reebo kulamo gooni gooni ah oo ay isugu imaanayaan qaar ka tirsan xildhibaanada Baarlamaanka.
Ilo ku dhow dhow mudanayaasha Baarlamaanka ayaa ku waramay in RW. Nuur Cadde laga sugayo magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay, si uu Baarlamaanka u horkeeno wasiiradii uu dhowaan magacaabay.
RW. Nuur Cadde in uu hortago Baarlamaanka KMG ah ayaa waxaa ay kusoo beegmeysaa xilli mas’uuliyiinta dowladda KMG ah aysan war cad ka soo saarin khilaafka soo kala dhex galay Ra’isal Wasaaraha iyo Madaxweynaha.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Qarax xooogan ayaa Maanta lagula beegsaday cutubyo ka tirsan ciidamada Uganda oo qeyb ka ah howl galka AMISOM, deegaanka KM-4 ee magaalada Muqdisho. Ciidamada AMISOM ee la weeraray ayaa rasaas fara badan ooda ka qaaday ka dib markii qaraxa la maqlay.
Ciidamadaasi oo halkaasi baaritaano ka bilaabay iyagoo iska qab qabteen dadweyne halkaasi ku sugnaa oo isugu jira kuwa wadada iska marayay iyo kuwa halkaasi kuleh meela ganacsi, sida dad goob joogeyaal ay sheegeen.
Lama oga qasaaraha uu gestay qaraxan Maanta lagula beegsaday ciidamada AMISOM deegaanka KM-4 ee magaalada Muqdisho.
Sidoo kale waxaan la ogeyn halka ay ula dhaqaaqeen ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia dadkii ay ku soo qab qabteen howl galadii ay ka sameeyeen deegaanka KM-4 markii halkaasi uu qaraxa ka dhacay kadib.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Hase ahaatee R/wasaare Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) ayaa lagu soo warramay inuu fariin qoraal ah u diray dalalka daneeya arrimaha Soomaaliya ayaa qeyb ka mid ah qoraalkaas waxaa lagu xusay in Shabeellaha Hoose uu ka mid yahay Gobolada dalka ee deganaanshaha ka jira isla markaana loo baahan yahay in dadka ku dhaqan Gobolkaas oo u badan dad ku hoos nool wax soo saarka Beeraha laga caawiyo waxyaabaha ay u baahan yihiin si ay u kordhiyaan wax soo saarkooda.
Sida la sheegay Jen Cabdi Qeybdiid oo ah Taliyaha Booliska Dowladda Soomaaliya ayaa ku doodaya inuu xilkii Booliska ay u haayeen ka qaaday labo xubnood oo Maamulka Gobolkaas ka tirsan oo kala ah Cali Geney iyo Nuuriye Cali Faarax oo ahaa Taliyaha Booliska Gobolka Shabellaha Hoose iyo Kuxigeenkiisa.
Balse Cabdi Qeybdiid oo Siyaasad ahaan dagaal kula jira Maamulka Shabeellaha Hoose ayaa ka dhaadhiciyay Madaxweynaha in Gobolkaas la geeyo Ciidamo Boolis ah oo ah kuwa lagu soo tababaray dalka Ethiopia, arrintaas oo ilaa iyo hadda hortaagan Jen Gabre.
Waxaa jira dhibaatooyin aad ugu weyn oo ka dhex taagan tahay Guddoomiyihii Gobolkaas oo isna farta lagu fiiqayo iyadoo la rumeysan yahay inuu lug ku leeyahay xiisadaha ka taagan Gobolkaas ee Cabdi Qeybdiid iyo ninka kale ee heybta wadaagan ee Jaamac lagu magacabo ka damacsan yihiin halkaas.
Ra’iisul Wasaaraha Dowladda Soomaaliya Nuur Cadde waxaa uu sheegay in haddii Maamul loo dhisayo Gobolkaas looga baahan yahay in xukuumaddiisa Maamusho balse cid kale aan soo fara gelin Karin.
Hase yeeshee Gobolka Shabellaha Hoose oo ah gobol istiraatiiji ah ayaa mudooyinkan waxaa ka taagnaa qalalaaso siyaasadeed oo u muuqda mid loolan ah, taasoona Madaxweynaha laftiisa uu qeyb ka ahaa qalalaasaha Gobolka ka jira ee ku aadan hanaanka Maamulka.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Ciidamada Mujaahidiinta MMIS ayaa la sheegay in xalay Magaalada Mahadaay ee Gobolka Shabeelada Dhexe ay ku qab-qabteen in ka badan 10 qof, ka dib markii ay Jabiyeen Bandow lagu soo rogay magaaladaasi.
Balse waxaa Magaalada Jowhar ee Xarunta Gobolka Shabeelada Dhexe wali saaran Bandow ay ku soo rogeen MMIS kaas oo ka bilaabanaya 10:00 fiidnimo lamana sheegin illaa iyo hadda goorta uu dhamaanayo Bandowgaas.
Hase ahaatee deegaanaka Cadale ee isla Gobolka Shabeelada Dhexe ayaa waxa la sheegayaa in ay ka jiraan Cabsi xoogan oo la xiriirta is u gaarsi laba beelood ka dib markii nin ganacsade ah halkaasi lagu dilay.
Si kasta ha yeeshee waxaa dhalinyaro badan oo deganaa deegaanka Cadale ay la sheegayaa in ay isaga carareen deegaankaasi iyaga oo ka cabsi qaba in ay halkaasi ka bilowdaan isku dhacyo Beeleed.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Balse qoraal ka soo baxay ergaygaas ayaa lagu sheegay in heshiiskii Jabuti aysan hor taagnayn wax caqabad ah laakiin uu u baahanyahay wixii lagu meel marin lahaa fulintiisa.
Hase ahaatee mar la weydiiyay sida laga yeelo codsiga garabka Isbahaysiga dib u xoreynta Djibouti ee ah in ciidamo u badan carab loo soo diro Soomaaliya ayaa waxa uu yiri “xukuumada Soomaaliya dhankeedana waa mid mar walba arintaas codsanaysa in la soo diro ciidamo carab u badan, laakiin dowladaha carabtu wali kama aysan jawaabin codsigaasi”.
Wakiilka Dowladda KMG ee Jaamacadda Carabta C/laahi Yuusuf wuxuu intaa ku daray ciidamada caalamiga ah ayaa laga rabaa in ay dib u soo celiyaan amaankii iyo deganaanshihii Soomaaliya si ay ciidamada waxa uu ku sheegay Qaranka soomaaliyeed u dhameystiraan kaalintooda ku Aadan oo ah in ay ugu danbeyn badlaan kuwa caalamiga ah.
Si kasta arrinta ha ahaatee waxaa cirka isku shareeray khilaafkii ugu xoog badnaa oo lagu kala jiidanayo xubnaha Dowladda KMG ah ee ka dhex aloosanyahay C/laahi Yuusuf axmed iyo Nuur Nuur cadde kaas oo ku qotomo arimo ay ka mid yihiin dib u heshiisiinta, amaanka wadanka iyo dhaqaalaha soo gala wadanka.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Mujaahidiinta Al-Shabaab ayaa sheegay in ay ka danbeeyeen weerarkan lagu duqeeyay Xerada Asluubta oo ka mid ah Xeryaha ugu waaweyn ee ay degan yihiin Ciimadamada gumaysiga Ethiopia.
Dad ka agdhawaa Xerada Asluubta xilliga ay duqaynta ku socotay ayaa waxay xaqiijiyeen in ugu yaraan 5 madfac ay gudaha ugu dheceen Xerada Asluubta, iyadoo aan lagaran karin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray Ciidamada gumaysiga Ethiopia iyo kuwa la shaqeeya, waxaase la filayaa in ay soo gaareen khasaarooyin isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Dhinaca kale Ciidamada gumaysiga Ethiopia ayaa waxay weerarkan ka dib duqayn la beegsadeen Xaafado ay ka mid yihiin Warshadii hore ee Caanaha, Suuqa Bakaaraha, iyo Xaafadda Xera Ruush, goobahaas oo ay ku dhaqan yihiin dad rayid ah.
Madaafiicda ay Ciidamada gumaysiag Ethiopia ku garaaceen degmooyinka Hodan iyo Howl-wadaag ayaa waxaa ka dhashay dhaawacyo soo gaaray dad rayid ah, kuwaas oo gaaraya ilaa 5 qof inta laga warhayo waxaana lafilayaa in ay jiraan khasaarooyin intaa ka badan oo haleelay shacabka ku daqan goobaha ay Ciidamada gumaysiga Ethiopia duqeeyeen.
Ciidamada gumaysiag Ethiopia ayaa waxay caado ka dhigteen in ay madaafiic ku garaacaan goobaha dadka rayidka ah ay ku badanyihiin markasta oo ay weeraraan xoogagga Mujaahidiinta Soomaaliyeed oo ku haya weeraro joogta ah Habeen iyo Maalin.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Hasa yeeshee gudoomiyha Isbahaysiga ayaa shalay Qudbad ka jeediyay Xarunta Machadka Daraasaadka Afrika ee Magaalada Qaahira, waxaana ka soo qayb galay madax ka tirsan Machadka Daraasaadka Afrika iyo Ardayda Soomaaliyeed ee wax ka barata wadanka Masar iyo waliba Warbahinta dalka Masar.
Gudoomiyaha Isbahaysaga Sheikh Shariif Sh. Axmed ayaa qudbaddiisa inta badan uga hadlayay heshiiskii dhawaan Isbahaysiga iyo dowlada KMG ah ay ku kala saxiideen Magaalada Jabuuti iyo Khilaafka Isbahaysiga soo kal dhax galay wuxuuna Sheikh Shariif Sharaxaad ka bixiyay heshiiskaas iyo qodobadiisa oo muran weyn ka dhax dhaliyay Isbahaysiga dhaxdiisa.
Sheikha ayaa sheegay in heshiiska Magaalada Jabuuti uu yahay bilow fiican loona bahan yahay Shacabka Soomaaliyeed in ay tageeraan kana war sugaan heshiiskan madaama Beesha Caalamka hadda diyaar u tahay in arinta Soomaaliya wada hadal lagu dhameeyo arintana ay ka tahay dhax dhaxaad Beesha Calaamka.
Gudoomiyaha waxuu kaloo cadeeyay in Isbahaysiga garabka Asmara ay isku aragti ka yihiin ka bixitaanka Ciidamada gumeysiga Ethiopia wadanka Soomaaliya, balse ay ku kala duwan yihiin meelo yar yar wuxuuna intaasi ku daray in dadka aysan isku si wax u arkin aragtidana lagu kala duwanaan karo.
Waxaa kaloo uu Sheikh Shariif sheegay in arinta kaliya eysan noqon xabad in wax lagu raadiyo ee loo bahan yahay in qaab wada hadal ah wax lagu raadiyo madaama dhinaca kale ee dowladda KMG wada hadal ay rabaan diyaarna ay u yihiin.
Sido kale Gudoomiyaha Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya waxaa meesha Su’aalo ku weydiiyay Ardayda Soomaaliyeed, Su’aalahasi ayaa waxaa kamid ahaa..
1 – Isbahaysiga ama Maxkamadaha meeqa magaalo ayay heystaan?
Waxaana Su’aashaas ka jawaabay Sheikh Maxamuud Sheikh Ibraahin Suulay oo ka mid ahaay wafdiga la socday Sheikh Shariif wuxuuna uga jawaabay “waxaan haysanaa laga bilaabo Magaalada Gaalkacyo ilaa xadka Soomaaliya ay la wadaagto Wadanka Kenya” wuxuuna intaasi Sheikha ku daray marka laga reebo Muqdisho, Baydhabo iyo Baladweyne oo aan isla jogno Ciidamada gumeysiga Ethiopia Maalin kastana aan ku weerarno.
Sheikh Maxamuud Sheikh Ibraahin Suulay ayaa su’aashasi lo siiyay in uu Jawabteeda bixiyo madaama uu ka yimid gudaha wadanka Soomaaliya gaar ahaan Magalada Muqdisho uguna danbaysay Magaalada wax ka yar bil waa sida uu asaga qirtaye.
2 – Su’aasha labaad ayaa aheyd 120 ka cesho oo Ciidamada gumeysiga Ethiopia ay wadanka uga baxayaan ma waxay bilabaneysaa Maalintii heshiiska Jabuuti lagu gaaray mise marka wajiga labaad ee Sucuudiga la tago?
Waxuuna Sheikh Shariif ku Jawabay waxay bilaabatay Maalintii heshiiska lgu gaaray wadanka Jabuuti.
3 – Su’aasha sadaxaad ee ugu danbaysay ayaa aheyd qodobka ah Ciidamada Ethiopia waxay baxayaan marka la helo Ciidamo Qaramada midoobay ka Socdo oo ku filan in uu Sheikh Shariif sharaxo waxa loola jeedo ayaa la su’aalay?
Waxuuna Sheikh Shariif ku jawabay in qodobkaas dib u sixid lagu sameyn doono dhawaan kadibna la cadeyn doono Inshaa Allaah.
Ugu danbeynti Gudoomiyaha isbahaysiga Dib u xoreynta Soomaaliya ayaa u mahad caliyay madaxda Machadka Daraasaadka Afrika iyo Ardayda Soomaaliyeed ee ka soo qayb galay gudbada Gudoomiyaha Isbahaysiga.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Gudoomiyaha Isbihaysiga dib u Xoraynta Somaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed, iyo Dr. C/Qaasim Salaad Xasan, ayaa kulamo ay soo qaban qaabisay dawlada Masar ku yeelan doona maalmaha soo socda magaalada Qahira.
Dr. C/Qaasim wuxuu usoo jeediyay garabka Jabuuti, in aanay dhegta u dhigin Sheikh Xasan Dahir Aweys iyo 36-da qof ee uu hogaaminayo, halka Sheikh Sharif kooxdiisa lagu qiyaasay 133 xubnood.
Dr. C/Qaasim ayaa horey ugu waramay dawlada Masar dhibaatada haysata shacabka Soomaaliyeed iyo khilaafka soo kala dhex galay Isbahaysiga dib u xoreynta Soomaaliya.
Dawlada Masar ayaa soo dhawaysay dacwada uu soo jeediyay Dr. C/Qaasim, sidoo kale waxay sheegtay in ay wax ka qaban doonta khilaafka soo kala dhex galay Isbahaysiga dib u xoreynta.
Dawlada Masar ayaa soo dhaweyn balaaran u fidisay Sheikh Shariif Sh. Axmed iyo wafdiga uu hogaaminayo, si ay uga wada hadlaan xaalada Soomaaliya iyo khilaafka Isbahaysiga dib u xoraynta, dowladda Masar waxay sheegtay in ay kasoo hor jeedo Siyaasadda garabka ku sugan Asmara.
Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa marar badan ku gacan sayray isku dayo lagu doonayay in wada hadal loo furo isaga iyo Sheikh Shariif Sh. Axmed.
Sidoo kale Sheikh Xasan Daahir Aweys ayaa horey ugu gacansayray wafdi ka socday Dr. C/Qaasim oo la doonayay in Sheikh Shariif iyo isaga la isu keeno oo ay wada hadlaan si ay khilaafkooda u xaliyaan.
Waxaa la filayaa Maalmaha soo socda in ay wada hadal yeeshaan Dr. C/Qaasim Salaad Xasan iyo Sheikh Shariif Sheikh Axmed, wada hadalkaas oo ay ku lafa guri doonan waxa ay ka yeeli doonaan garabka Asmara.
Waxaan ka war sugi doona qodobada ay ka soo saaran kulankaas ay labada Mas’uul yeelanayaan, kulankaasoo qodobada looga hadli doono badankooda lagu falanqayn doona wixii laga yeeli lahaa khilaafka Isbahaysiga iyo garabka jooga Asmara.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com
Wararka ka imaanayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in maanta gebi ahaanba aanan shaqeyneyn dhaq dhaqaaqii kala duwanaa ee ka jirey wadada isku xirta Muqdisho iyo Gobolka Shabeelada hoose.
Ciidamada ayaa gebo ahaanba xanibey isu socodkii kala duwanaa ee ka jirey wadada dheer ee isku xirta Magaalada muqdishiyo, iyo Gobolka Shabeelada hoose.
Hase ahaatee gaadiidkii kala duwanaa ee ka dhex shaqeyn jirey deegaanka Ceelasha Biyaha, Afgooye iyo Magaalada Muqdisho ayaa dhamaan dhaq dhaqaaqyadoodu is taageen.
Dhanka kale gaadiidkii saaka ka baxey Magaalada Muqdisho ayaa dib ugu soo noqdey Muqdisho ka dib markii ciidamadu is hor taageen in ay socdaalkooda sii wataan.
Hase yeehee isgoyska KM4 ayaa xirnaa, ka dib markii ciidamo ka tirsan kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqeys agumeysiga Itoobiya isku soo fidiyeen wadooyinkaas Ciidamadan ayaa ahaa kuwo rasaas xoogan dhan walba u ridayey, taas oo qof rayid ah uu ku dhaawacmey.
Jameeca_Jilyaale@hotmail.com