Safiirka Shiinaha u fadhiya magaaladatan London Fu Ying ayaa looga yeeray xafiiska arrimaha dibedda ee Britain si uu jawaab uga bixiyo nin u dhashay waddankan Britian oo muslim ah oo xukun dil ah lagu fuliyay.
Akmal Shiikh ayaa saaka lagu dilay wadanka Shiinaha, kadib markii lagu helay inuu daroogo soo gelinayay Shiinaha.
Dilka ayaa dhacay iyadoo dowladda Britain iyo qoyskiisaba ay codsanayeen in la cafiyo, waxaa la sheegay inuu waalnaa Akmal Shiikh waxa uu ahaa 53 waxaana lagu duray cirbad nafta ka qaada
<object width='425' height='350'><param name='movie' value='http://www.youtube.com/v/YaZe6Z8pfko&rel=1&fs=1&showsearch=0&hd=0' /><param name='allowfullscreen' value='true' /><param name='wmode' value='transparent' /><embed src='http://www.youtube.com/v/YaZe6Z8pfko&rel=1&fs=1&showsearch=0&hd=0' type='application/x-shockwave-flash' allowfullscreen='true' width='425' height='350' wmode='transparent'></embed></object>
Akmal Shiikh ayaa waddanka Shiinaha lagu xiray sanadkii 2007 markii lagu qabtay afar kiilo oo daroogada Heroin ah, taasi oo mas’uuliyiinta Shiinuhu ay sheegeen inay sababi lahayd dhimashada 26,800 oo qof.
Waxa uu ku doodayay in lagu qalday in uu soo qaado boorsada daroogada ay ku jirtay.
Haweeneey afhayeen ah oo u hadashay wasaaradda arrimaha dibedda ee Shiinaha, oo la yiraahdo Jiang Yu ayaa weriyeyaasha u sheegay in caddaalad lagu fuliyay xukunkaasi sidad uu qabo sharciga u degsan Shiinaha, isla markaana aanay cidina ka bixin karin faaleeyn sharciga Shiinaha
BBC Somali
Ciidanka Xarakada Alshabaab Iyo Dhalinyaro Ayaa dagaal culus ku dhexmaray Tuulada Baageli oo ka tirsan Gobolka Shabeelaha Hoose
Dhalinyarada ayaa la sheegay in aay yahiin kuwa ka soo horjeeday Hawlo Saako uruurin ah oo aay wodeen Mujaahidiinta Alshabaab, taas ayaana la sheegay inay sababtay dagaalka
Dad ku sugan Tuulada Beledul-Aamiin oo aay deris yahiin Baageli ayaa u sheegay Warbaahinta in dagaalkan aan la ogeyn ilaa hada khasaaraha u sababay
Xarakada Alshabaab Almujaahidiin ayaa ka woday degaano badan oo ka tirsan Gobolada aay ka taliyaan Hawlo lagu Ururinayo Saako, taasi oo ah mid waajib ku ah qof kasta oo Muslim ah oo Awooda
Saraakiil caalami ah oo dhinaca badaha ah ayaa sheegay in burcad badeed Soomaali ah ay afduubeen markab sida Kiimiko oo laga leeyahay waddankan Britain.
Markabka oo la yiraahdo St James Park ayaa Isniintii waxaa laga afduubay Gacanka Cadan, isagoo ka yimid waddanka Spain una socday Thailand.
Markabka ayaa wararku sheegayaan in haatan uu u sii socdo xeebaha Soomaaliya.
Waxaa saaran lix shaqaale ah oo u kala dhashay dhawr waddan.
Koox kale oo burcad badeed ah ayaa iyaguna sii daayay markab laga lahaa dalka Singapore, oo la afduubay bishii October, kadib markii la bixiyay afar milyan oo dollar oo madax furasho ah.
Burcad badeedda Soomaalida ayaa wali waxa ay hayaan toban markab iyo ilaa laba boqol oo qof oo shaqaalaha saaran maraakiibtaasi ah
BBC Somali
Madaxweynaha DFKMG ee Somaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Ayaa maanta ka hadlay maamul Goboleed-yada ku soo badanaya Dalka Somaliya
Madaxweynaha Ayaa ku tilmaamay Maamulada Kuwa Qeyb weyn ka ah Ammaan Darida Bahsan ee ka jirta dalka Somaliya
Madaxweynahu ayaa sheegay in Maamuladaasi aysan aheyn kuwa Ummada Somaliyeed dan u ah Sidaa u hadalka u Dhigay
Hadalka Madaxweynaha ayaa ku soo beegmaya xili u socdo Shir lagu doonayo in Maamul logu dhiso Gobolada Dhexe ee Dalka kaasi oo ka socda degmada Cabudwaaq
Sidoo kalena degmada Dolow laga wodo dadaalo lagu doonayo in lagu sameeyo Maamul Goboleed lagu magacaabo Konfuur Galbeed
Dibad bax balaaran islamarkaana looga cabanayo biyo la’aan ayaa maanta Barqanimadii dadkii ka barakacay magaalada Muqdisho waxa ay ka dhigeen inta u dhaxeysa deegaanada Lafoole iyo Xaawo Cabdi ee duleedka magaalada Muqdisho, Waxaana ka qeyb qaadanayay dibad baxaasi boqolaal qoys oo ka mid ah barakacayaasha reer Muqdisho.
Dibadbaxayaashan ayaa waxa ay ka cabanayeen biyo la’aan baahsan oo soo wajahday xiligan kadib markii hay’adii biyaha siin jirtay oo aheyd hay’ada MSF ay ku war galisay in ay biyihii ay bixin jirtay ay jaraneyso laga bilaabo 1-da Janaayo ee sanadka cusub ee 2010-ka
Dadkan Dibaxbaxayaasha Ah Ayaa ka codsaday hay’ada MSF in ay u fidiso biyihii aysiin jirtay maadama sida ay sheegeen dhibaatooyin kala duwan ay haysato xilligan
Afhayeenka xisbiga Kulmiye Muj. Maxamed Kaahin Axmed ayaa xukuumadda Madaxweyne Rayaale iyo xisbiga UDUB ku eedeeyey in aanay diyaar u ahayn in tartanka doorashada Madaxtooyada ay ka qayb galaan, tilmaamayna in wax ka bedelkii xeer hoosaadka golaha guurtida ee khilaafku ka dhashay ay ka dambaysay, kaas oo intaa ku daray in maamulka Madaxweyne Rayaale ku guuldaraystay Bedalaada lacagta Somalia ee ka socota gobolada Togdheer, Sool iyo Sanaag.
Waxa kale oo uu Mujaahid Maxamed Kaahin maamulka Madaxweyne Rayaale dusha ka saaray in sabateeda ay lahayd dib u dhicii badnaa ee ku yimid doorashooyinkii golayaasha deegaanka iyo madaxtooyada
Mujaahid Maxamed Kaahin oo muddo saddex todobaad ah ku sugnaa magaalo madaxda gobolka Togdheer ee Burco oo wargeyska Haatuf uu xalay khadka telefoonka uu waraysi kula yeeshay isaga oo jooga magaaladaasi oo aanu wax kaga weydiinay, xaaladda guud ee dalka iyo duruufaha ku xeeran diyaar garowga doorashooyinka, dib u dhiga doorashooyinka golayaasha deegaanka iyo khilaafaadka xisbiga Kulmiye hogaankiisa laga sheegayo.
Waraysigaasina waxa uu u dhacay sidan:-
S: Muddadii aad ku sugnayd magaalada Burco, Maxaad ku aragtay Waayaha iyo Marxaladda ka taagan gobolkaasi Togdheer?
J: Runtii Burco ayaan ku sugnaa in muddo ahba, wakhtigan xaadirka ahna aan joogaa, marka aad Burco joogto waxa aad dareemaysaa Astaamaha qaranka ee maqan oo ay kow ka tahay Caasimadii labaad ee dalka oo ay ka socoto lacag aan ahayn tii qaranka ee dawladdii Siyaad Barre, miisaaniyadihii ugu dambeeyey ee golaha wakiiladu Ansixiyeen 2007 ilaa 2008-dii, kharashaadkii lagu bedalayey lacagtaasi waa lagu daray, dawladdaase dib u isticmaashay, marka la eego lixdii gobol ee dalka hore uga jiray saddex gobol baanay ka socon lacagta Qaranka Somaliland, Waana Togdheer, Sool iyo Sanaag.
Dawladda Somaliland ayaana ku fashilantay Astaanka qaran ee maqan, dhibaatada ugu weyn ee Burco ka taaganina oo ah dhaawac qaran, waa lacagtaa nidaamkii Somalia ee ka socota oo ay xukuumaddani tahli kari weyday inay dalkii ay xukumaysay ay lacag kale ka socoto,.
S: Xisbigiina Kulmiye waxa ay maalmahan saxaafadda qaarkood ay qorayeen in hogaankiina Kulmiye uu khilaaf weyni ka dhex taagan yahay, arimahasi maxaad ka leedahay?
J: Horta anagu hadaanu nahay Kulmiye waxa aanu nahay mid aad uga duwan xisbigaasi UDUB, xisbiga aanay guddihiisa dimuqraadiyad iyo wada tashi aanu ka dhex jirina, hadduu xukunka dalka qabtana, maamulkiisa dimuqraadiyadi kama jiri karto, khilaaf siyaasi ah oo xisbigayaga isku jiid jiitaana ma jiro, waxa qudha ee jira, waxa weeyi xaalaadka siyaasiga ah iyo qiimaynta hawlaha xisbigu fulinayo, marka laga hadlayo, Doodbaa xisbiga dhex marta, haddaanay doodi na dhex marina, deexisbigii hanti-wadaaga kacaanka somaliyeed ee Siyaad Barre ee qofka qudhii u talin jiray iyo ka UDUB oo kale ayaanu noqonaynaa, wax ka sokeeya doodahaas qiimaynta ah oo jiraa ma jiro, balse waxa jira qiimaynta doodahaasi uun.
S: Waxa jiray dhawaan in xilal cusub oo xisbiga Kulmiye uu magacaabay oo saxaafadda loo gudbiyey, haddana xisbigu ka soo daba saaray qoraalo lagu hakinayo oo xisbiga guddihiisu iska arkayo, Arimahaasi miyaanay Dhabar jab ku ahayn Sumcadda Maamulka xisbigiina Kulmiye oo aanay wax u dhimayn?
J: Wax ku noqon maysee waa wada tashiga sii balaadhintiisa iyo meel marintiisa, in la is qanciyo oo la doodaana waa dimuqraadiyadda waajibkeeda.
S: Sideed u aragtaa go’aanadii ay guddida nabadgelyada gobolka Togdheer ay ka soo saareen xayiraadka gaadiidka soo galaya 10:00 habeenimo wixii ka dambeeya inay mamnuuc tahay?
J: Nabadgelyada xoojinteeda ayay yidhaahdeen ujeedadayadu way ku saabsan tahay, Nabadgelyada xoojinteeduna ma xuma.
S: Waxa jira in doorashada qabsoomideedii aanay Komishanka doorashooyinku ilaa hadda aanay cayimin, Komishankuna ay safaradoodii tababarka ku guda jiraan arimahaasi sideed u aragtaa?
J: Horta waad la socotaa oo doorashadii Madaxtooyadu waxa ay hayd inay qabsoonto badhtamihii April 2008, maantana waxa aynu maraynaa dabayaaqadii bishii December, 2009, Todoba jeer oo hore ayaa la mudeeyey, asbaabihii ay dib ugu dhacdayna waxa Kow ka ah xukuumadda Daahir Rayaale, lacagtii kaga soo hagaagtay kharashka doorashadana waa kuwii bixin waayey, waa kuwii natiijadii diiwaangelinta cod-bixiyeyaashana sharci darada ku laalay oo muddo kordhin dhawr ahna loo sameeyey, waa tii khilaafkii siyaasiga ahaa ee doorashadana laga heshiieyey, Komishan doorashooyin oo cusbuna la magacaabay. Dawladdihii qaadhaan bixiyeyaashuna waa kuwii hereba tababarka u siin jiray Komishankii horeba, balse waa kuwaa xoghayahoodii guud ay imika wada leeyihiin diiwaangelintii suuro gali mayso, xeerkii yaraa ee dhaqdhaqaajinta guurtiduna, kuwaa uun buuu dabada ku hayey, waxa weeyi in aanay doorasho diyaar u hayn, waa la arkay, xiligii ay go’aanka saddexda xisbi soo wada saareena waxa ay ahayd dabayaaqadii sanadkii hore, dabadeedna waxa la filayey oo aad iyo aad loo sugayey doorashadii madaxtooyadu inay wakhtigeedii ku qabsoonto April 2008, dabadeedna markii xaaladda la qiimeeyey waxa weeyi haddii doorashada madaxtooyada dib loo dhigo oo ta deegaanka oo aan loo diyaar garoobina Armay qabsoomi weydaa, markaa waxa weeyi qodobadii lixda ahaa ee lagu heshiiyey, waxay ahaayeen mabaadiidii asaasiga ahaa ee koobayey hawlaha doorashada, markaa inta ay ina soo gaadhsiiyeena wixii Technical ah iyaga ayaa qabanaya, wixii wada tashi ah ee khubaro ahaan la inaga cilmi roonyahayna, sida Tirakoobka Servarka hagaajintiisa, Arimaha doorashada iyo qalabkeeda la soo daabacayo, qaadhaan-bixiyeyaasha 75% in ay iyagu bixiyaan, waa hawlo farsamo oo nidaamkii ay inoo keeneen ee Axsaabtu ay isla waafaqday waxa aanu u aragnaa inay macquul tahay. Wixii kale qolyaha farsamada ayaa hawshoodii qabanaya.
S: Ururka UDHIS waxa uu sheegay in heshiiskii hogaamiyeyaasha saddexda xisbi ay wada gaadheen in doorashada golayaasha deegaanka laga soo horaysiiyo ta madaxtooyada ay tilamaameena, distoor jabin iyo khiyaamo qaran oo sida sharcigu dhigayo in doorashada deegaanku ay soo horayso, arinkaa sidaad u aragtaa?
J: horta waxa weeyi waa dhab oo arimaha doorashadu way kala horeeyaan, ta golayaasha deegaanku wakhtigeedii wuu ku qabsoomi waayey, tii madaxtooyaduna waa ta qabsoomi weyday, dabadeedna waxa la yidhi ta aasaasiga ahi waxa weeyi ta madaxweynaha oo waa madaxweynihii, waxa weeyi qiimayntas iyaasiga ahi, meesha ay ku dhacaysaa, waa ta madaxtooyadu, ha idin dhaafto dabadeedna tii golayaasha deegaanka aad gashaan, markaa ma qabo anigu doorashadii baa qabsoomi weyday, doorashada qabsoomideedu waxa qaban kari waayey hay’addihii ku shaqada lahaa ama komishan ha noqotee, dabadeedna sifihii aynu ku soo hor marinay tii madax tooyada ayaa bulsho weynta caalamnka teebaynu taageero dhaqaale kaga doonaynay ama taageero ummaddeed ee aynu ku quudaraynaynay inay doorashadu wax inoogu tarto xagga la dhaqanka bulshada caalamka iyo ictiraafkeena, labada ta aanu isnidhi aad baa loo qiimaynayaa, caalamkuna ay danaynayaan waxa ay ahayd ta madaxtooyada laakiin waa qodob oo waxa weeyaan wuu habsaamay sifuhuu ku habsaamayna waa sifahaasi aan soo sheegnay
Source Haatuf
Maareeyaha Guud ee Hay’adda Biniaadamnimadda & Maareynta Waxyeeladda Masiibooyinka ayaa waxa uu maanta ka warbixiyey hawlaha hay’adda iyo qaabka ay iminka u shaqeyso isagoona xusey in hay’adda haatan ay shaqadeedu tahay mid si wanaagsan u shaqeysa wallow uu sheegay in ay hay’addu tahay hay,ad u shaqeysa sida wasaaradda Dawladda oo kale taasi oo uu ku sheegay in hay,addani tahay mid Dawladda hoostagta oo aysan ahayn mid ka madax banaan
Maareeyaha Guud ee Hay,adda HADMA Mudane Cabdillaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceyrow) ayaa waxa uu sheegay in Hay’addani la aasaasay 1 March 2005 iyadoona haatan u shaqeynaysa muddo 5 sano ah isagoona xusey in hay’addani ahmiyada loo aasaasay ahayd ka gadaal markii ay masiibooyin isdabajoog ah oo 3b jeer ah ay ka dhaceen gudaha deegaanadda Puntland islamarkaasna lagu dhawaaqay
Cabdilaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceyrow) Maareeyaha Hay,adda HADMA waxaa kaloo uu xusey in hay’addani tahay hay,adda ay dhistay dawladda islamarkaasna u shaqeysa umadda reer Puntland isagoona tibaaxay in hay’adda wax badan wax ka qabato sida abaaraha marka ay ka dhacaan deegaanadda puntland isagoona carabka ku dhuftay in ay bishiiba kormeer hay’addu ku sameyso meelaha loo maleynayo in ay ka dhici karaan masiibooyinka.
Ugu danbeyntii Cabdilaahi Cabdiraxmaan Axmed (Ceyrow) Maareeyaha Hay’adda HADMA waxaa kaloo uu ka tibaaxay in hay’adda haatan tahay mid si wanaagsan wax ugaba qabata deegaanada Puntland wallow uu xusey Maareeyaha in aysan waxyaabo badan u hagaagin taasi oo uu ku sifeeyey gaadiid la’aan baahsan oo haysata mar aanu wax ka weeydiinay Maareeyaha sababta keentay in hay’addu gaadiid laaan noqoto ayaa waxa uu xusey in dawladda aysan dabooli Karin baahi kasta isagoona carabka ku dhuftay in dawladda iminka ay awoodeeda isagu geysay wax ka qabashadda dhinaca amniga
Xuseen Cabdulaahi Xasan
Shir jaraaid oo uu maanta ku qabtay Wasaaradda Maaliyadda Xafiiskiisa Magaalada Garoowe ayaa waxa uu warbaahinta ugu soo bandhigay Miisaaniyadda Wasaaradda Maaliyadda sanadka 2010 isagoona uga warbixiyey warbaahinta hawlaha lagu qaban doono.
Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Dr Faarax Cali Shire ayaa waxa uu tafaasiil ka bixiyey sababta keentay in miisaaniyadda sanadka cusub ay soo bandhigto wasaaradda Maaliyadda isagoona sheegay in sababta keentay ay tahay in miisaaniyadda wasaaradda la soo bandhigo taasi oo uu ku sheegay in lagu adkayn doono amniga deegaanadda puntland.
Dr Faarax Cali Shire Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda ayaa waxa uu sheegay in lacagta miisaaniyadda loogu talogalay in lagu sugo amniga deegaanadda Puntland kaasi oo u muuqday indhawaalaba mid faraha ka sii baxayey isagoona Wasiirka carabka ku dhuftay in marka la sugo amnigana lagu horumarin doono miisaaniyaddani dhinaca arimaha bulshadda.
Wasiirka marka ay waxka weeydiiyeen warbaahinta wax haatan ku soo beegmay in ay Wasaaradda soo bandhigto miisaaniyadda 2010 ayaa waxa uu xusey in miisaaniyadda ay tahay wax ay marka hore ansixiyeen Golaha baarlamaanka Dawladda Puntland isagoona sheegay in aysan ahayn wax ay iyaga iskawataan oo uu yahay wax sharci soo maray islamarkaasna ay golaha wakiiladda ogaadeen in ay lagamamaarmaan tahay in miisaaniyadda sanadka 2010 lagu daro dhinaca arimaha amniga sidii loo adkeyn lahaa.
Sidoo kale marka ay warfidiyeenada wax ka weeydiiyeen Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda dhinaca canshuuraha oo ay dad badani ka cabanayaan ayaa waxa uu tibaaxay in aysan jirin wasaaradda Maaliyadda wax canshuur ah oo la kordhiyey keliya waxani ay yihiin wax loogu talogalay in lagu adkeeyo amniga Puntland.
Shirkani jaraaid oo uu maanta ku soo bandhigay Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda Miisaaniyadda sanadka cusub ayaa waxa ay ku soo beegmaysaa xili maalin qura laga joogo ka gadaal markii ay baarlamaanka ansixiyeen miisaaniyadda cusub ee sanadka 2010.
Xuseen Cabdulaahi Xasan
E-Mail Xuseen339@hotmail.com
Garowe Puntland Somalia
Askaari ka tirsan Ururka Xizbul Islaam ee ka taliya degaanka Ceelasha Biyaha ayaa la sheegay inu halkaasi ku dilay Qof Shacab ah
Ninka la dilay iyo Askaarigan ayaa la sheegay inu soo kala dhexgalay Murun, taasi oo sababtay in Askaarigu u xabad ku furo ninka Shacabka ah isla markana u halkaasi ku geeriyoodo qofkaasi
Dadka degaanka ayaa sheegay in Askaariga dilka fuliyey u halkaasi ka baxsaday isla markii dilku dhacay
Ururka Xizbul Islaam ayaa iyagu weli ka hadlin arrinka dilka qofka Shacabka ah u geystay Askaariga ka tirsan Ururkooda
Munaasibad aad u heer sareysa ayaa maanta lagu qabtay Hotel Saxaafi ee magaalada Muqdisho, Xaafada ayaa aheyd mid aay isagu tanasuulayeen labadii Madaxweyne Ee Maamulka Galmudug, Sidoo kale waxa goob joog ka aha Masuuliyiin ka tirsan DFKMG ee Somaliya kuwas oo aay ka mid yahiin Wasiirka Macdanta Cabdi xasan Cawaale Qeybdiid, Wasiiru Dowlaha Gashaandhiga Yusuf Maxamed Siyaad Indha Cadde, Wasiirka Hawlaha Guud Maxamed Cabdi Yusuf, Iyo weliba Marti Sharaf Kale oo u ka mid yahay Axmed Cabdi Salaan
Madaxweynaha Xilka ka tanasuulay Axmed Shariif Cali Hilowle ayaa sheegay inu xilka uga tanasuulay Walaalkii Maxamed Axmed Caalim oo hada kadib noqon Madaxweynaha Maamulka Galmudug ee Konfuurta magaalada Gaalkacayo
Madaxweynaha Xilka loga tanasuulay Maxamed Axmed Caalima yaa isaguna halkaasi ka hadalay isaga oo aqbalay Xilka loga tanasuulay sii weyna ugu Mahadceliyey Axmed Shariif Cali Hilowle
Cabdi Xasan Cawaale Wasiirka Macdanta oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sii weyn ugu Mahadceliyey Madaxweynaha Xilka ka tanasuulay Axmed Shariif isaga oo sheegay inu yahay Nin Tariikh dahab ah ka geli doona Galmudug
DFKMG ayaa in dhowaalaba woday dadaalo lagu doonayo in lagu dhex dhexaadiyo Labada Masuul ee xilka isku qabsaday, in kasta oo hada uu muuqdo inu hirgalay dadaalka aay woday DFKMG ee Somaliya
Ciidanka Ammaanka ee caasimada DPL ayaa Xalay ku soo qabtay magaalada Garoowe nin Xijaaban oo la sheegey inu dadka halkaasi dhac ugu geysan jiray
Ninkan oo lagu Magacaabo Axmed Xuseen Ibraahim oo dhowr iyo Labaatan Jir ah ayaa ciidanku maanta soo bandhigeen isaga oo wota Xijaabkii Iyo Indho Shareerkii u gashana xiliga la soo qabtay, Sidoo kalena waxa la socday Qalabkii u dadka ku dhaci jiray oo aha Mindi Aad u Dheer oo ah nooca Geella Lagu Qawraaco oo u dadka ku baaran jiray
Madaxa Hawl galada ee Ciidanka Booliska Garoowe Axmed Maxamed Xasan oo Saldhiga Booliska Saxaafada kula hadlay ayaa sheegay in ninkan u aha nin dadka magaalada Garoowe sii weyn aay uga cabanayeen in badan isaga oo furtay in badan oo Moobilo ah kuwas oo u dadka kaga qatay Tooreyda aadka u dheer ee u wodan jiray
Taliyaha Ayaa sheegay in ninkan lagu soo qabtay Xaafada Wabeeri Ee magaalada Garoowe halkaasi oo intaa badan u ka qaraban jiray
Saldhiga u ku xirna ninkan ayaa waxa yimid dad aad u fara badan oo sheegay in Ninkan Naagta iska dhigaya u ka qatay Moobilo iyo weliba hanti kale oo aay woteen
Indho Shareerka Iyo Xijaabka ah ayaa intaa badan mid aay gashadan Dumarku balse waxa muddoyinkan dambe soo badanayey ragg xiranaya kuwas oo ku fuliya Hawl galada Burcadnimada ah ee aay Ummada la magan yahiin
Afhayeenka Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab Sheekh Cali Maxamud Raage (Cali Dheere) ayaa uga digay Bulshada reer Muqdisho in aanay dhageystan Idaacada Ku Hadasha Afka DFKMG ee Radio Muqdisho
Cali Dheere Ayaa Sheegay In Idaacada Radio Muqdisho Aay tahay Mid Ka soo horjeeda Ummada Islaamka oo U Adeegta Yahuud Iyo Mareykan Waa Sidaa u Hadalka U Dhigay, isla markana aysan waajib aheyn inu qof Muslim ah u dhegeysto
Lama oga waxyabaha lagu sameyn doono cida ka soo horjeesata Hadalka Afhayeenka Alshababa in kasta oo Arrinkan aay Sameyn weyn ku yeelan doonto dadka Magaalada Muqdisho
Idaacada Radio Muqdisho ee ku hadasha Afka Dowlada Ayaa laga hawl geliyey magaalada Muqdisho 24 Bishii October, iyada oo Noqotay mid aad loga dhegeysto magaalada tan iyo markii aay hawada gashay taasina waxay in badan ka caraysisay Masuuliyiinta Shabaabka oo iyagu u arkay Idaacadan mid iska horkeeneysa iyaga iyo Dadka Shacabka ah
Madaxwaynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ayaa la sheegay in uu marti qaad rasmi ah ka helay boqortooyada Sucuudi Arabiya, waxaana la filayaa in uu booqashadiisii ugu horaysay ku tago dalkaasi todobaadkan. Sida ay sheegayaan warar xogagaal ah oo wargayska Haatuf ka helay ilo ku dhaw dhaw qasriga madaxtooyada ayaa xaqiijiyey in dalka boqortooyada Sucuudiga uu ka helay marti qaad rasmiya iyadoo uu waktigan xaadirka ahna ay dalkaasi sucuudiga ku sugan yihiin wasiirada diinta iyo awqaafta sh. Maxamuud Suufi Muxumed , wasiirka duulista iyo hawada Cali Maxamed Warancade, wasiirka madaxtooyada Xasan Axmed Ducaale (Xasan Macalin), wasiir ku xigeenka oo iyagu gudashadii waajibaadka xajka u tagay sanadkan dalkaasi boqortooyada sucuudiga
Ilaa hada si rasmiya looma oga xaqiiqda uu salka ku hayo marti qaadka ay dawlada sucuudigu u fidisay madaxwane Rayaale, balse ila xogogaal ah ayaa sheegaya in mrti qaadka madaxwayne Rayaale uu salka ku hayo arimo ku saabsan xayiraadii uu sucuudigu ka qaaday dhoofkii xoolaha Somaliland iyo Somalia ee tagi jiray suuqyada ganacsiga xoolaha ee dalkaas oo dhawaan si rasmiya xoolihii uga dhoofay dakada Berbera ay uga dageen dakada Jidah ee dalkaasi waxaanay tibaaxuhu sheegayaan in xidhiidh cusubi u furmay Somaliland iyo sucuudiga mudadii la furay dhoofka xoolaha.Socdaalka madaxwayne Rayaale ee dalka Sucuudiga ayaa noqonaya safarkii ugu horaysay ee Madaxwayne Somaliland ahi uu baaqasho ku tago dalka Boqortooyada Sucuudi Arabiya tan iyo muddadii 18-ka sano ahayd ee ay Somaliland la soo noqotay madaxbanaanideeda
Wadanka Boqortooyada Sucuudiga ayaa ah wadanka ugu wayn mandaqadaas, isla markaana ah wadanka shidaalka ugu badan soo saara ama dunida u dhoofiya, door muhiim ahna ku leh golayaasha caalamka, isla markaana wax wayn ka tari kara qadiyada madaxbanaanida ama ictiraafka Somaliland haddii uu u soo jeesto
Dalalka Carabta ayaanu jirin xidhiidh fiican oo Somaliland la leedahay, hasa yeeshee wixii ka danbeeyay socdaalkii uu madaxweynaha Somaliland Md. Daahir Rayaale Kaahin ku tagay dalka Isu-taga Imaaraatka carabta waxa si wayn isu soo tarayay xidhiidhka Somaliland iyo Carabta sanadkan dhamaanaya ayaa bilowgiisi Madaxweyne Rayaale marti qaad ka helay dawlada Kuwait, halkaas oo kulan guul ku dhamaaday uu la yeeshay xiligaa amiirka dalkaas
Wafitiga xubnaha wasiirada Somaliland eek u sugan sucuudiga ayaa la sheegay in mudadii ay socdaalka ku jogeen dalkaasi ay kulamo ay la yeelanayeen madax ka tirsan dawlada Sucuiudiga
Madaxweyne Rayaale ayaa hore u booqday dalalka Imaaraadka Carab Yemen iyo Kuwait
Source Haatuf
Allaah ha u naxariiste Maxamud Salaax Nuur Fagadhe Safiirkii Jamhuuriyada Somaliland ee dalka Faransiiska Ayaa ku geeriyooday Galabnimadii shalay magaalada Paris ee Caasimada dalka Faransiiska
Maxamud Salaax Nuur Fagadhe ayaa in muddo ah xanuunsana, Iyada oo 13 Bishii October lagu Sameeyey Qalin kaasi oo loga sameeyey dhabarka
Fagadhe ayaa aha Siyaasi aad ugu caan ah dalka Somaliland Iyo weliba Somaliyada Konfuureed, Waxana u Door libaax leh ka soo qatay Ictiraaf raadinta Jamhuuriyada Somaliland
Allaah ha u naxariiste Maxamud Salaax waxa u Xilal ka soo qabtay Dowlada isaga oo soo noqday Wasiirka Arrimaha dibada ee Jamhuuriyada Somaliland, Sidoo kalena waxa u noqday Ku Xigeenka Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Isaga oo Hadana Aha Safiirka Somaliland u Fadhiya Faransiiska
Kadib Dilal Qorsheysan oo lala Beegsaday dad ka soo baxay Masaajida ayaa Ciidanka Ammaanku bilaabeen in aay ilaalo xoog leh ka qabtan Masaajida magaalada Bosaso kuwooda ugu waweyn
Masaajida Ciidamada ilaalada la keenay ayaa intaa badan ah kuwa aay ku tukadan dad Masuuliyiin ah iyo weliba Ganacsato caan ka ah magaaladu
Ugu Yaraan Saddex Askaari ayaa lagu arkay Habeenimadii xalay Masaajido badan oo ku taala magaalada Bosaso kuwas oo aay kadib Salaadii Makhrib aay Banaanada iyo weliba goobaha u dhow dhow aay fariisteen, iyaga oo dhulkaasi aan ka sameyn wax baaritaano ah balse isha ku hayey dadka iyo Dhaq dhaqaaqa goobaha u dhow dhow Masaajida, in kasta oo ciidanku Masaajida ka tegey Kadib Saladii Cishe
In badan oo ka mid ah Masuuliyiin iyo weliba dad Shacab ah ayaa la dilay iyaga oo ka soo baxay Masaajid xiliyada Makhribka iyo Cishaha, taasi oo keentay in Ciidanka Dowladu ilaalo ka qabto uuna suugo Amniga dadka ku Tukanaya Masaajida oo aan la aqoon Sababaha loo dilayo
Masaajidada Ciidanku ku sugna ayaa waxa ka mid ah Alrashiid, AlAqsa, Huda, Fatima, Raxma, Shibiin, Almajiid, Iyo Weliba Ibraahim
Sidoo kale Ciidamada Ammaanka ayaa ka woda magaalada Hawl galo aad u waweyn kuwas oo lagu Ugaarsan Dadka Amni darada ka woda magaalada Bosaso, In kasta oo aan weli sii dhab ah loo ogeyn cida ka dambeysa arrimaha dhacaya
Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Keyna Mudane Faarax Macalin ayaa sii diiran logu soo dhoweeyey Magaalada Laascanood ee Xurunta Gobolka Sool
Maamulka Gobolka Kan degmada Iyo Weliba Dadweyne aad u fara badan ayaa sii weyn ugu soo dhoweeyey magaalada Laascanood
Gudoomiyaha ku Xigeenka ayaa kula jira Masuuliyinta Gobolka Iyo Madaxda Dhaqanka Wada hadalo in kasta oo aan la ogeyn arrimaha aay ka wada hadlayan
Faarax Macalin Iyo Wafdi Balaaran oo ka socda Dowlada Kenya ayaa Dalka yimid 22 Bishan iyaga oo Booqashoyiin ku soo kala bixiyey Magaaloyiin badan kuwas oo aay ka mid yahiin Hargeysa oo aay safarka ka bilaabeen, Berbera, Borama, Burco Iyo Laascanood oo aay maanta yimadeen
Booqashada Maanta ee Wafdiga Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Kenya ayaa ku soo beegmeysa iyada oo habeenimadii xalay magaalada Laascanood u ka qarxay Bom nooca dhulka lagu Aaso ah, isla markana magaaladu aay gashay Bandow, kaasi oo qatay tan iyo Saaka Waaberigii Hore
Waxaana wasiirada oo ka hadlaysay ay tiri “Waxaa booqashadayadu ku saabsan tahay kor uqaadista xiriirka saxiibtinimo ee Dowlada Puntland iyo Wadamada aan booqanayno waxaana aan uga warbixin doona mas,uuliyiinta wadamadaas xaaladaha Dalka iyo sidii looga wada shaqayn lahaa sare u qaadista iskaashiga loona samayn lahaa wada shaqayn buuxda oo Dowlada Puntlad ay la yeelato beesha eadamada caalamka ayna sidoo kale nooga taageeri lahayeen mashaariicda horumarineed ee dhinacyada, dhaqaalaha, amaanka, iyo horumarinta Dowlada Puntland” ayey kutiri hadalkeeda wasiiradu
Waxaa ayna sidoo kale wasiirada oo hadalkeeda si wadata intaasi ay ku dartay in dowlada Puntland ay dedaal xoogan ugu jirto sidii ay xoojin lahayd xiriirada caalamiga ah, iyo waliba qorshayaasha horumarineed ee la doonayo in laga hergaliyo Puntland, ayna maamul ahaan ugu guntanyihiin inay Dowlada Puntland horumar la taaban karo gaarsiiso Dalka, islmarkaasina ay uga miro dhalinayaan balnqaadkooda wax qabad
Tan iyo markii uu hogaanka qabtay Maamulka cusub Dowlada Puntland sannadii 2009-ka waxaa uu qaaday talaabooyin xoogan oo lagu dar-dargalinayo horumarinta iyo dib-udhiska Puntland, ayadoo mas,uuliyiin kala duwan ay booqashooyin hawleed ku kala bixinayaan wadamo kala duwan oo caalamka ah, kuwaasi sidoo kale kulamo la yeelanaya Jaaliyadaha Reer Puntland ee Ku dhaqan wadamadaasi.
C/casiis “Sankubayo”
Magaalada Laascanood ayaa Galabta lagu qabtay Bom aan Qarxin, Sidoo kalena waxa halkaasi ku qarxay mid kale kaasi oo sababay dhaawaca wiil Dhalinyaro ah
Gudoomiyaha Gobolka Sool Mudane Faarax Askaar ayaa sheegay in Qaraxu u ka dhacay meel u dhow halkii lagu dilay Taliyahii Qeybta 12 Ee Ciidanka Qaranka Somaliland , Waxana u sheegay in Qaraxasi u ku dhaawacmay wiil dhalinyaro ah kaasi oo dhaawaciisa laga soo dayrinayo
Md. Faarax Askaar Waxa U sheegey in aan weli cid loo qabtay aysan jirin iyo cid la tuhunsan yahay in kasta oo u sheegay in baaritaano aay socdaan
Waa markii Labaad ee magaalada Laascanood ee Gobolka Sool u ka dhaco Qarax Tan iyo Sebtember
Xarakada Mujaahidiinta Alshabaab ayaa Xabsiga dhigay Afar ka mid ah Odayaasha Degaanka Degmada Bardaale, Odayaasha ayaa laga soo qabqabtay sidaa u Sheegay Taliyaha Ciidanka Degmada Bardaale Ee Xarakada Alshabaab Sheekh Maxamed, Intaa u Dhaxaysa bardaale Iyo Awdhiire
Odayaasha Afarta ah ayaa Xabsiga la dhigay kuwas oo Alshabaab aay ku Eedeyeen Inay kow ka yahiin Xiisado iyo Dagaalo Qabiil oo Maalmahan ka dhacayay degaanka Degmada Bardaale
Sheekh Maxamed Taliyaha Ciidanka Xarakada Alshabaab ee Halkaasi ayaa sheegay in Odayaashan iyo kuwa kale oo lagu raad joogaba Shareecada la hor keeni doono
Hawl galka aya yimid kadib dagaal ka dhacay agagaarka degaanka Berdaale, in kasta oo weli xaalad Abaabulo dagaal aay weli ka socoto halkaasi
Waa markii ugu horreysay ee Xarakatul Shabaabul Mujaahidiin aay dhexgasho beelaha ku dagaalsan degaanka Bardaale ee Gobolkaasi Bay
Kulan Loga hadlayey Doorka dhalinyaradu uga qeyb qadan karto Nabada ayaa maanta lagu qabtay magaalada Bosaso ee Xurunta Madaxtooyada ee Magaalada Bosaso
Kulanka oo aay ka qeyb galeen Mas’uuliyiinta Dowlada, oo u ugu horreyo Madaxweyne ku Xigeenka DPL Md. Cabdisamad Cali Shire, Wasiirka Amniga Xaaji Cabdullaahi Siciid Samatar, Wasiir ku Xigeenka Arrimaha Gudaha Col Yusuf Axmed Khayr, Iyo weliba Gudoomiyaha Gobolka Bari Xaaji Muuse Geelle Faroole ayaa sidoo kale lagu marti qaday Madaxda Ururada Dhalinyarada ee magaalada Bosaso
Madaxweyne ku Xigeenka Puntland Cabdisamad Cali Shire ayaa u sheegay Dhalinyaradii kulanka soo xadiirtay in arrinka logu yeeray u yahay in aay ka qeyb qatan Sidii Nabad gelyada loo adkeyn laha oo loga wada shaqeyn laha Nabada Iyo Xaasilonida
Xaaji Cabdullaahi Siciid Samatar Wasiirka Amniga ayaa isaguna ka dhawaajiyey in Dalka Somaliya aay u soo halgameen Dhalinyaro kuwas oo gaarsiyey Xorrnimada maanta la heysto, sidaa darteedna loo bahan yahay in Dhalinyarada reer Puntland in aay ka qeyb qatan amniga isla markana soo sheegan wixii Amniga wax u Dhimaya
Cabdullaahi Mahdi Seyidka oo ah Gudoomiyaha Ururka SSCO ayaa isaguna halkaasi ka sheegay in Dhalinyaro ahan aay u tagan yahiin Xoojinta Iyo ka Shaqeynta Amniga
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay Sawiro ka turjumaya Tariikhda Dhalinyarada Somaliyeed Iyo Doorkooda Wax qabad, Waxana u kulanka ku dhamaaday Jawi Is faham ah
Yusufjournalist@yahoo.com
Madaxweyneyaasha Somaliya iyo Madaxweynaha Yemen ayaa ka wada hadlay arrimaha cakiran ee ka taagan gudaha Somaliya, sida ay daabacdan wakaaladda wararka Yemen ee Saba
Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa khadka taleefanka kula xiriiray dhigiisa wadanka Yemen Cali Cabdalla Saalax, waxayna ka wada hadleen arrimaha murugsan ee Somaliya
Sheekh Shariif ayaa ugu hambalyeeyay Madaxweynaha Yemen dagaalka lagula jiro dhinacyada ku kacsan xukuumaddiisa, wuxuu sidoo kale Madaxweyne Sheekh Shariif ugu Mahad celiyay taageerada xukuumadda Yemen ka geesatay soo dhisidda DFKMG ee u Madaxweynah Ka yahay
Madaxweynaha DFKMG ayaa ugu baaqay beesha caalamka in gacan la siiyo xukuumaddiisa si ay u sii ambaqaado howlaha baaxadda leh ee horyaala inay wax ka qabato
Madaxweynaha wadanka Yemen ayaa isaguna wuxuu ugu baaqay Jaamacadda Carabta iyo dowladaha daneeya arrimaha Somaliya inay dedejiyaan taageerada ay siinayaan DFKMG
Labada Madaxweyne ayaa wada hadalkooda waxaa ay ku soo qaadeen soona dhoweeyeen cuno qabateenta la saaray wadanka Eritrea ka dib markii lagu Eedeeyay inay qeyb ka qaadatay qaska iyo fowdada ka taagan Somaliya gudaheeda
Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay qaraarkii ay golaha ammaanka Qaramada Midoobay dalka Ereteriya ku saareen cunaqabataynta.
Golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa qaraar ay soo saareen Arbacadii waxa ay ku cunaqabteeyeen dalka Ereteriya, waxaana go’aankaas soo dhaweeyay inta dawladaha gobalka. Xukuumadda Somaliland ayaa iyaduna ka mid ah dawladaha soo dhaweeyay go’aankaas. Wasiir ku xigeenka Arrimaha dibadda Somaliland Md. Axmed Aadan Ismaaciil (Kayse) oo xalay u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa yidhi, “Xukuumadda Somaliland way soo dhawaynaysaa go’aankaas.”, waxaanu intaas raaciyay, “Waa go’aan loo baahnaa, sababtoo ah dawladda Ereteriya waxay fitno ku ahayd gobalka oo dhan. Sidaas daraadeed waanu soo dhawaynaynaa go’aanka golaha ammaanka.”
Dhinaca kale Wasiir ku xigeenku, waxa uu beeniyay in xilkii laga qaaday wakiilkii Somaliland u fadhiyay dalka Faransiiska Md. Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe), waxase uu sheegay in markii uu masuulkani cisbitaal galay hawshiisa uu sii waday xoghayaha koowaad ee xafiiska Somaliland. “Wasaaradda arrimaha debbadda waxa cadeynaysaa ama biniinixinaysaa in warkaasi sida loo sheegaayo aanu u ahayn waxna uga jirin. Sir iyo Caad toona wax xil ka qaadis ah oo lagu sameeyay Safiir Maxamuud Saalax Nuur (Fagadhe) aanay haba-yaraate u jirin ogaalkayo. Balse, waxa jirtay qoraal afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Note Verbale’ oo ka soo baxay wasaaradda arrimaha debedda taariikhdu markay ahayd 19 October, 2009 taas oo lagu war geliyay wasaaradda arrimaha debedda ee Faransiiska in wakiilkii xafiiska Somaliland ay ku lahayd Paris uu buku ama xanuunsanaayo inta uu ka soo caafimaadaayana uu xilkii sii wada doono ama uu ku-sime ka ahaan doono xafiiska Cali Ismaaciil Xasan oo ah Xoghayha kowaad ahna Wakiilka Ganacsiga (First Secretary and Commercial Attache’) xafiiskaasi. Taasina ma ah wax naadir ku ah nidaamka shaqada xafiisyadda in marka mas’uul ama madax xafiis xanuusado, fasax tago, xil ka qaadis lagu sameeyo in mas’uulka xafiiskaasi ee ku xige ama xeerka iyo sharcigu u ogolaanaayo loo magacaabo ku-simaha xafiiskaasi. Waxa wasaarad ahaan nala gudboon in qoraal war-gelin ah oo denbe oo shaqo ku laabasho ah aanu sameyn doono mar alaalee iyo markii uu safiir Maxamuud soo roonaado oo xaaladiisa caafimaad wax iska bedelaan.” Ayuu yidhi Wasiir ku xigeenku
Wargeyska Geeska
Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka dalka Kenya Mudane Faarax Macalin ayaa gaarar Xurunta Gobolka Awdal ee Borama
Wafdi u Hoggaaminayo Gudoomiye ku Xigeenka Baarlamaanka Kenya Faarax Macalin ayaa sii heer sare ah logu soo dhoweeyey Magaalada Borama iyada oo logaga hortegey duleedka Magaalada Goroyocawl halkaasi oo aay ku soo dhoweeyen Mas’uuliyinta Gobolka kuwa degmada, Arday Iyo Waxgarad kale oo aad u fara badan
Waftiga ayaa waxay si toos ah u booqan doonaan Jaamacada Camuud, waxaana lagu wadaa in duhurnimada maanta ay qado sharaf ku yeeshaan hotel Rays ee magaalada Borama isla markaana ay dib ugu laabtaan magaalada Hargeysa
Ammaanka magaalada Borma ayaa sii weyn ciidanku maanta u Adkeeyey iyada oo meel kasta lagu arki karo Ciidamo Boolis ah oo ku sugan
Kadib dagaalo muddo labo Maalin ah ku dhaxmaray magaalada Gaalkacayo Ciidamo ka kala tirsan Puntland Iyo Galmudug ayaa ugu dambeyntii maanta laga gaaray Heshiis Hordhac ah, kaasi oo dhameystirkiisa la isagu soo laaban doono Maalinimada Beri ah
Heshiiska oo aha Saddeex Qodob kuwas oo kala ah
In xabbadda lagu joojiyo si shuruud la’aan ah
In la kala qaado Ciidamada
Iyo Welib In Maalinimada Beri ah la billaabo wadahadal rasmi ah
Sida uu BBC u sheegay duqa magaalada Galkacyo Cabdiraxmaan Maxamud Xaaji Xasan waxaa lagu ballamay in labada dhinac mid walba uu kulanka berri ah u soo dirsado 15 ergay markaasna la guda galo wada hadal dhab ah
Kulanka maanta oo ka dhacay dugsiga Umadda ee ku yaalla bartamaha magaalada waxaa ka qaybgalay madaxda labada Maamul ee Puntland iyo Galmudug iyo bushada rayidka gaar ahaan Odayaasha, Ganacsatada iyo Urur dhallinyaro oo ka kooban labada Qaybood ee magaalada
Xaalada magaalada Ayaa maanta aheyd mid degan, Waxana jirin Wax rasaas ah oo ka dhacaysay Maanta magaalada
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia Ato Meles Zenawi ayaa soo dhaweeyay cunaqabteynta Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ku soo rogtay Eritrea.
Zenawi waxa uu sheegay in beesha caalamku ay garawsatay kaalinta iyo siyaasadda xasilooni darrida ku dhisan ee Eritrea, sida uu yiri, oo ay go’aansatay inay tallaabo ka qaado.
Ra’iisul Wasaaraha Ethiopia waxa uu sheegay in cunaqabateynta lagu soo rogay Eritrea ay wax ka tari doonto xasiloonida gobolka Geeska Afrika.
Dalalka Ethiopia iyo Eritrea ayaa waxa ka dhexeysa colaad muddo dheer soo taagneyd, iyadoo labada dhinac uu dagaal ba’an dhex marayay muddo laba sano ah dabayaaqadii sagaashameeyadii
Source BBC Somali